Masuuliyiin ka socday Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Galmudug ayaa ka qaybgalay tababar toddoba maalmood socday oo ay la yeesheen Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabelle.
Barnaamijku wuxuu daboolay IT audit, kontaroollada nidaamyada, kalsoonida caddeynta nidaamyada, khataraha tiknoolajiyadda iyo khiyaanada, farsamooyinka forensic audit, qorista xirfadeed iyo isgaarsiinta hay’adaha.
Xirfadahani waxay muhiim u yihiin hantidhowr casri ah maadaama diiwaannada maaliyadeed iyo caddeynta hantidhowrku ay si weyn ugu tiirsan yihiin nidaamyada dijitaalka ah. Tababarka waxaa taageeray Midowga Yurub iyada oo loo marayo EU SFA TA.

